Raila oo sheegay inay midnimadu Kenya barwaaqo u horseedayso

0
466

Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa ku baaqay midnimo guud si wadanku uu horumar iyo barwaaqo dhaqaale u gaaro.
Xilli uu maanta socdaal ku tagay ismaamulka Kajiado ayuu ra’iisul wasaarihii hore ee dalka sheegay inuusan jirin dal kala qaybsanaan ay ka jirto oo dhaqaalihiisu kobci karo.
Mr. Odinga ayaa ismaamulkaas u jooga sidii uu u shaacin lahaa hindisahiisa loogu magac daray Azimio La Umoja, oo loola jeedo hiigsiga mideynta oo ah halku -dhiggiisa cusub ee siyaasadeed isagoo isku diyaarinaya inuu si rasmi ah ugu dhawaaqo markii shanaad loolankiisa madaxtinimo ee doorashada guud , sanadka 2022-ka.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa sheegay inay garowsan yihiin muhiimadda midnimada iyo xasiloonida ay u leeyihiin barwaaqada iyo kobaca dhaqaale ee dalka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in qorsho kasta oo la xiriira dhaqaalaha iyo maamulka ee la dejiyay aan lagu guulaysan karin hadii ay jiraan qalalaase, kala qaybsanaan iyo xasilooni darro.
Madaxa ODM ayaa farriimahan ka jeediyay kulan ay ka soo qayb galeen madaxda maxalliga ee Kajiado oo uu hor kacaya barasaabka dowlad deegaankaasi Joseph Ole Lenku.
Odinga ayaa la rumaysan yahay inuu ka mid yahay musharraxiinta ugu cadcad ee ay loolami doonaan madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto si ay ugu tartamaan xilka madaxweynenimo iyadoo siyaasiyiintu ay dhaliilo isku jeediyaan mararka qaar ka hor 9 -ka bisha siddeedaad ee sanadka danbe markaasi oo uu dhammaanayo mudda xileedkii labaad uguna dambeeya ee madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Musharraxiinta kale ee xusidda mudan ee isha ku haya hoggaanka ugu sarreeya wadanka ayaa waxaa ka mid ah Musalia Mudavadi hoggaamiyaha xisbiga (ANC), Kalonzo Musyoka oo ah hoggaamiyaha xisbiga (Wiper), dhigiisa xisbiga KANU ahna senatarka ismaamulka Baringo Gideon Moi ,Mwangi Wa Iria oo ah barasaabka ismaamulka Murang’a, xoghayihii hore ee shirarka qaramada midoobay ee ganacsiga iyo horumarka ee loo soo gaabiyo UNCTAD Mukhisa Kituyi, ganacsadaha lagu magacaabo Jimi Wanjigi iyo xubno kale.