Dowlada oo bartilmaameedsanaysa dhalaanka ku nool 14 ismaamul goboleed

0
549

Barnaamijka bahalka Caloosha gala ee Gooryaanka loo yaqaano looga daywaynayo Caruurta dugsiyada dhiganaya ee loo yaqaano (NSBD) ayay dowladu ku beegsanaysaa afar milyan oo carruur ah laga bilaabo Talaadada bari ah ilaa Maalinka Khamiista toddobaadkan.
Barnaamijkaan ayaa waxaa si gaar ah looga fulinayaa 14 ismaamul oo ay ku jiraan Narok, Nyamira, Kisii, Migori, Busia, Siaya, Kisumu, Homa Bay, Lamu, Tana River,Kilifi, Mombasa, Kwale, iyo Taita Taveta.
Arintaan ayaa imaanaysa ayadoo la sheegay in Sannadkan, NSBD ay ku dishay 2.6 milyan oo carruur ah ku waasoo ku sugnaa toddobo ismaamul oo ka tirsan Galbeedka Kenya.
Barnaamijka ayaa laga hirgelinayaa Degmooyinka iyadoo Agaasimeyaasha Waxbarashada iyo Caafimaadka ay hoggaaminayaan hawlaha min heer Degmo ilaa dugsi kasta oo daawooyinka laga bixinayo.
Waxaa la samaynayay ololahaan Sanadkasta tan iyo 2009-kii, NSBD, oo ah barmaamij ay wadajir u fuliyaan Wasaaraddaha Waxbarashada iyo Caafimaadka, ayaa gooryaanka looga daweeynayay caruurta dugsiyada dhiganaya ee halista ugu jira, maadaama ay tahay xaalad saamayn ku leh caafimaadkooda, nafaqadooda, iyo guud ahaan noloshooda.
Barnaamijku oo noqday mid caalami ahaan la aqoonsan yahay, ayaa sababay in malaayiin carruur Kenyan ah ay koraan iyagoo aan la kulmin jeermiskaan halista ku ah noloshooda waxayna ujeedada laga leeyahay tahay in sanadwalba lagu daweeyo ugu yaraan lix milyan oo caruur ah kuwasoo da’doodu u dhaxayso 2 sano jir ilaa 14 sano meelaha khatarta ugu badan ay ka jirto.
Warbixin uu soo saaray Machadka Cilmi baarista caafimaadka ee KEMRI ayaa muujinaysa in barnaamijkaan uu aad waxtar ugu lahaa yaraynta gooryaanka Intii u dhaxaysay Sanadihii 2012 iyo 2018, balse wuxuu hoos u dhacay boqolkiiba 62% sida lagu ogaaday carruurta lagu baaray daraasaddaan.
Barnaamijkaan waxaa wada jir u fulinaya wasaaradaha caafimaadka iyo waxbarashada ayagoo kaashanayo hay’ado kale oo ay wada shaqayn la leeyihiin waxaana kormeeraya machadka qaranee cilmi baarista KIMRI, waxaana sanadkaan hogaaminaya Dr. Julius Jwan Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Dr. Patrick Amoth, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka dalka.