Machadka horumarinta manaahijta waxbarasho ee dalka ee KICD ayaa ka codsaday macallimiinta inay ka fogaadaan bixinta casharrada dheeraadka ah ee kharashaadka badan ay ku baxayaan.
Tani ayaa imaaneysa ka dib markii walaac ay waalidiintu ka muujiyeen manhajka cusub ee CBC.
Waalidiinta qaar ayaa toddobaadkan baraha bulshada ku gudbiyeen cabashooyinkooda ku aadan manhajka cusub ee waxbarasha ee CBC.
Waxaa ay sheegeen in manhajkan uu qaali yahay, maadama ay lacago fara badan ugu baxdo soo iibinta agaabka looga baahan yahay in uu ardayga u isicmaalo sameynta casharrada dheeraadka ah ee loo soo dhiibo.
Qoraal uu barta rasmiga uu twitter-ka soo dhigay machadka KICD ayaa waalidiinta loogu baaaqay in ay taageeraan carruurtooda.
Waxaa uu intaa ku daray in cabashooyinkooda ay u gudbiyaan maamulayaasha dugsiyada marka hore, hadii wax laga qaban waayana ay u soo gudbin karan KICD ama wasaaradda waxbarashada ee dalka iyo guddiga adeegga macallimiinta ee TSC.
Manhajka cusub ayaa la rajeynaya inuu ardayda ka soo dhiso dhinaca xirfadaha.