269 qof oo gudaha Kenya looga helay COVID19

0
464

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shaacisay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay diiwaangelisay 269 ah xaaladaha cusub ee cudurka COVID19.
Tani ayaa timid ka dib markii cudur sidaha corona laga baaray dheecaan dhan 3,872 .
Tirada guud ee kiisaska cudurka ee wadanka ayaa hadda ah 243,725.
Dadka ugu dambeeyay ee uu xanuunku haleeyay 265 ka mid ah waa Kenyaan halka 4 ay ajaaniib yihiin.
Waxay isugu jiraan 135 rag iyo 134 haween ah oo ay da’doodu u dhexeyso hal sano ilaa 101 sano.
Kiisaska cusub ee maanta , 5 ka mid ah waxaa laga diiwaangeliyay ismaamulka Garissa iyo kiis laga helay Wajeer ee gobolka waqooyi bari.
Sidoo kale waxaa caafimaaday 960 bukaan oo dheeraad ah tani oo tirada guud ee dadka ka bogsaday cudurka COVID19 gudaha Kenya ka dhigaysa 232,918.
Wasaaradda caafimaadka waxay diiwaangelisay 4 xaaladood oo ah dhimasho dhacday bishan gudaheeda balse dib laga soo sheegay waxayna dhimashada guud ee ka dhalatay cudurka tahay 4,906.