Madaxda waqooyi bari oo dalbaday in meel lagu sheego aqoonyahan la waayay

0
426

Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee ismaamullada Garissa,Wajeer iyo Mandera ee gobolka waqooyi bari oo shir jaraaid qabtay ayaa dowladda dhexe ka dalbaday inay sida ugu dhaqsaha badan ku keento falanqeeye Cabdiwahab sheekh cabdisamad oo la waayay Arbacadii.
Aqoonyahaanka oo falanqeeya siyaasadda geeska Afrika ayaa la sheegay in 8-dii bishan ay magaalada Nairobi ka afduubteen afar qof.
Ilaa iyo hadda lama ogo halka la geeyay waxaana maalmihii ugu dambeeyay cabasho muujinayay eheladiisa iyo hay’adaha u dooda xuquuqul aadanaha.
Siyaasiyiinta maanta warbaahinta la hadlay waxaa ka mid ah xildhibaanka galbeedka Wajeer Axmad Qaloosh, Cabdikariim Cismaan(Fafi), Bashiir Cabdullahi(Waqooyiga Mandera) Dr. Cabdullahi Kabreta oo ah senetarka Wajeer ayaa falkaasi cambaareeyay.
Senetarka ismaamulka Wajer Dr Cabdullaahi Cali Kabeerta ayaa sheegay in aynan suuragal ahayn in xilli barqanimo ah la kaxeysto shakhsi iyadoo bartamaha magaala madaxda wadanka ay ku xiran yihiin kaameerooyinka duubo muuqaallada qaarsoon.
Xildhibaanka Fafi ayaa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi iyo xoghayaha joogtada ee wasaaradda Dr. Karanja Kibicho ka dalbaday in hadii aynan arrinkan wax ka qaban karin ay xafiiska banneeyaan.
Mudanaha laga soo doortay galbeedka Wajeer Axmad Qaloosh ayaa dowladda ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo siideyso Cabdiwahaab.
Mr. Axmad Qaloosh ayaa sheegay in Prof.Cabdiwahaab maxkamad la soo taago hadii uu jiro dembi lala xiriirinaya.
Bashiir Cabdullahi oo baarlamaanka ku matalo waqooyiga Mandera ayaa dhankiisa carrabka ku adkeeyay in laamaha ammaanka ee dalka aynan wax qiil ah u raadin karin maqnaanshaha aqoonyahaanka.
Jimcihii ayay ahayd markii waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay sheegtay inay dabagal ku hayso afduubka aqoonyahaanka oo ayna toddobaad gudihii warbixin ku soo saari doonto.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta loo kaxeystay Prof. Cabdiwahaab sheekh Cabdisamad.