Dowladda hoose ee ismaamulka Garissa ayaa sheegtay in ay miisaaniyad dhan 100 milyan oo shilin ugu talagashay in lagu caawiyo qoysaska ay sida wayn u saameysay abaarta ka jirto qaybo ka mid ah dalka.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaale ee Garissa, Ciise Oyow ayaa arrinkan ka sheegay kulan looga hadlayay ka falcelinta abaarta.
Waxaa shirkaasi ka qayb galay wakiilo matalayay ismaamulka Garissa, dowladda dhexe iyo deeq bixiyaasha.
Wasiirka ayaa xusay in loo baahan yahay iskaashi lagu soo bandhigi karo ugu yaraan 300 oo milyan oo wax looga qabanaya xaaladda nololeed ee jirta.
Waxaa uu tilmaamay in dowladda ismaamulka Garissa ay horay u qaaday tallaabooyin ay ka mid yihiin qodidda ceel biyoodyo, taageeridda beeralayda , tallaalka xoolaha iyo kormeer ka dhan ah cudurrada taasoo xaddiday baaxadda saameynta abaarta.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maalmo ka hor dowladda dhexe ay soo saartay 2 bilyan oo loogu talagalay barnaamijyada looga falcelinayo culeysyada ka dhashay abaarta .