Madaxweynaha Tunisia oo ka hadlay qorsho lagu beddelaya dastuurka wadankaasi

0
341

Madaxweynaha dalka Tunisia Kais Saied ayaa sheegay inuu jiro qorsho wax looga beddelaya xeerarka wadankaasi lagu maamulo.
Tani ayaa imaanaysa toddobo isbuuc ka dib markii uu hoggaamiyaha Tunisia qaaday tallaabooyin ay mucaaradku ku tilmaameen afgembi.
Tallaabooyinkaasi waxaa ka mid ahaa inuu kala diray baarlamaanka sidoo kalena xil ka qaadis ku sameeyay ra’iisul wasaarihii dalkaasi.
Madaxweynaha oo bartamaha magaalada Tunis ka jeediyay khudbad ayaa xusay inuu tixgelinaya dastuurka dimuqraadiga ee dalkaasi ka dhaqan galay sanadkii 2014-kii balse aynan micnaheedu ahayn inuu dhameystiran yahay oo aan dib loo eegi karin.