Mexico oo ka hadashay meydad laga helay waqooyiga dalkaas

0
565

Dacwad oogayaasha wadanka Mexico ayaa sheegay in xasuuq uu ka dhacay dhinaca waqooyi ee dalkaasi.
Tani ayaa timid ka dib markii bishan gudaheed la helay meydadka 19 qof oo ay ugu yaraan 2 ka mid ah u dhasheen Guatemala.
Xafiiska xeer ilaaliyaha gobolka Tamaulipas oo meydadkan lagu arkay ayaa bayaan uu soo saaray ku xusay in ilaa iyo hadda la aqoonsaday 4 ka mid ah dadka meydadkoodu la helay.
Afarta la aqoonsaday labo ka mid ayaa ah muwaadiniinta Mexico.
Baaritaannada hor dhaca ah ayaa muujinaya in 16 qof ay yihiin rag , hal dumar ah halka labo kale aan weli jinsiyadoodu la caddeyn maadaama meydadkoodu ay aad u gubteen.