DHAGEYSO:Dubat Cali Cameey oo ku baaqay in guddiyo loo saaro gargaarka la xiriira saameynta abaarta

0
469

Guddoomiyaha golaha suuqgeynta xoolaha nool ee dalka kana mid ah waxgaradka gobolka waqooyi bari Dubat Cali Cameey ayaa madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta uga mahadceliyay arrin uu dhawaan ku dhawaaqay oo ahayd in abaarta ka jirto qaar ka mid ah dowlad deegaanada Kenya ay tahay musiibo qaran.
Waxaa uu guddoomiyuhu soo jeediyay in ismaamul kasta iyo deegaanada hoos tago laga sameeyo guddi qaabilsan dardargelinta caawimaadda loo fidinaya dadka ay abaartu saameysay.
Dubat ayaa carrabka ku dhuftay in aan loo baahneyn in dhaqaale loo qoondeeyo caqabadda jirta balse gargaarka uunan si toos ah u gaarin dadka tabaaleysan.
Sidoo kale waxaa uu baaq u jeediyay madaxda kala duwan oo uu ku boorriyay in aynan dayacin mas’uuliyadda saaran.
Guddoomiyaha golaha suuqgeynta xoolaha nool ee dalka Dubat Cali Camey ayaa ku taliyay in maadaama abaartu ay soo noqnoqoto lala yimaado qorsho ballaraan oo ka hor tag ah.
Waxaa uu ugu dambeyn ku baaqay in warshadda hilibka ee KMC ay iibsato xoolaha maadaama ay sii liidanayaan abaarta awgeed