Faransiiska oo haweenka bilaash ku siinaya daawooyinka looga hor tago uurka

0
512

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Faransiiska Olivier Véran ayaa sheegay in laga billaabo bisha koowaad ee sanadka soo socdo haweenka ay da’doodu tahay 25 sano iyo wixii ka sarreeya ay si lacag la’aan ah ku helayaan daawooyinka looga hor tago uur qaadidda , qaddarta Alle ayaa shaqeyse.
Waxaa barnaamijkan dowladda dalkaasi uga baxaysa lacag dhan 21 milyan oo Euro una dhiganta 24.8 milyan oo doolar sanad kasta.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maamulka madaxweyne Emmanuel Macron uu isku diyaarinaya doorashada guud.
Tan iyo maanta , waxaa daawooyinka looga hor tago uur qaadidda si bilaash ah ku heli jiray dumarka da’a ahaan ka wayn 18 sano.