Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullahi Farmaajo ayaa ka soo horjeestay xilka qaadis uu Rw Rooble ku sameeyay wasiirka amniga gudaha Xasan Xundubeey.
MD Farmaajo ayaa sheegay in dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka uu dhigayo awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah inuu xilka ka qaadayo Wasiirrada, Wasiiru-dowleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.
Madaxweynaha ayaa sheegay in xil ka qaadista wasiirka amniga gudaha aysan ku imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna aysan dhaqan gal ahayn.
Rw Rooble ayaa xilka wasiirka amniga u magacaabay xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, isagoo aan sheegin inuu xilka ka qaaday ama uu iscasilay wasiir Xundubeey.
Arrintan ayaa sii xoojinaysa khilaafka u dhexeeya labada mas’uul ee ugu sarreeya dowladda Federaalka Soomaali