Rw Rooble oo wasiir cusub magacaabay halka midkii xilkaan hayay laga qaaday

0
482

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay magacaabista wasiir cusub oo beddelay wasiir xilka laga qaaday.
Rooble ayaa jagada Wasiirka Amniga Gudaha ka wareejiyay Xasan Xundubeey Jimcaale.
Xilkaas ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid xildhibannada golaha shacabka Soomaaliya ayaa la wareegi doona wasaaradda Amniga Gudaha.
Afhayeenka Xukuumadda, Maxamad Ibraahim Mucallimuu oo warkan shaaciyay ayaa sheegay Ra’iisul Wasaaruhu uu u mahad celiyay wasiirkii hore.
Ma cadda sababta sababta keentay in wasiirka xilka hayay laga qaado.