Madaxweynihii hore ee Afganistan Ashraf Ghani oo raali galin bixiyay

0
662

Madaxweynihii hore ee dalka Afganistan Ashraf Ghani ayaa sheegay in aysan marna u jeedadiisu ahayn “dano kale ” maadaama uu ka raalli geliyay dadka reer Afgaanistaan sida xukunkiisu uu ku dhammaaday markii uu ka cararay waddanka bishii hore isla maalintii ay Taliban galeen caasimadda Kabul.
Bayaan lagu daabacay barta Twitter -ka Arbacada maanta ah , Ghani wuxuu ku sheegay inuu ka tagay dalkaas 15 –kii bishii Ogosto isagoona sheegay inuu xilikaas ka fogaanayay halis amni oo dhiig badan ku daadan karay.
Waxaa uuna sido kale beeniyay in la baxsaday lacago malaayiin ah.
Ka bixitaanka Kabul waxay ahayd go’aankii iigu adkaa noloshayda, laakiin waxaan rumaysnaa inay tahay sida kaliya badbaadin karo Kabul iyo 6-da milyan oo muwaadiniin , ”ayuu yidhi