Madaxweyne Uhuru kenyaatta oo ku dhawaaqay inay tahay musiibo qaran abaarta saamaysay qeybo ka mid ah ee dalka

0
519
Kenya's President Uhuru Kenyatta speaks during the state funeral of Kenya's former president Daniel arap Moi, at Nyayo Stadium in the capital Nairobi, Kenya Tuesday, Feb. 11, 2020. Daniel arap Moi, a former schoolteacher who became Kenya's longest-serving president and led the East African nation through years of repression and economic turmoil fueled by runaway corruption, died Tuesday, Feb 4, 2020, aged 95. (AP Photo/John Muchucha)

Madaxweynaha dalka Mudane Uhuru Kenyatta ayaa maanta oo Arbaco ah 8da bishan September 2021-ka ku dhawaaqay in abaarta saameysay qeybo ka mid ah dalka ay tahay musiibo qaran.
Sidaa darteed, Madaxweynuhu wuxuu faray Hanti –dhowraha Qaranka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Isuduwidda howlaha Xukuumadda ee dalka inay hormuud ka noqdaan dadaallada Dowladda ee lagu caawinayo qoysaska ay dhibaatadu ka soo gaartay abaarta ku dhufatay owgeeda.
Waxaa uu madaxweynaha sido kale faray xukumadiisa inay gaar gaar biyo inyo cuno ah la gaarto qoysaska iyo xoolaha ay saamaysay abaarta.
Go’aanka mr kenyaatta ayaa daba socda kulan maanta dhexmaray Madaxa Kenya iyo 85 hoggaamiyaal kale oo ka kala socday dhulalka ay saameynta ku yeelatay abaarta waxaana hogaaminayay wasiirka Maaliyadda ee dalka Ukur Yatani.
Dowladda ayaa sheegtay in tallaabooyin dhammeystiran ee abaaraha ku aadan dhawaan la soo saari doono.