Dowladda Shiinaha ayaa si ku meel gaar ah u joojisay duulimaadyadii dadka ajaaniibta ah ee ka soo safray Canada ay halkaas ku tagi jireen.
Qunsuliyadda Shiinaha ee magaalada Toronto ayaa arrinkan shaaca ka qaadday.
Waxay sheegtay in amarkan uu saameynaya xita shakhsiyaadka sita oggolaanshaha shaqo ee Shiinaha.
Hasa ahaate waxaa uunan amarkan cusub saameyn doonin dal ku galka dibloomaasiyiinta iyo saraakiisha bixiya adeegyada kala duwan.
Tani ayaa looga gol -leeyahay xakameynta faafitaanka caabuqa corona wuxuuna ku soo aadayaa iyadoo shalay dalka Canada laga diiwaangeliyay 4,255 oo ah xaaladaha cusub ee caabuqa corona.