Taalibaan oo ku dhawaaqday dowladda cusub ee Afghanistan

0
545

Kooxda Taalibaan ayaa gor dhaweyd ku dhawaaqday xukuumad cusub oo ku meel gaar oo hoggaamin doonta dalka Afghanistan.
Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa daqiiqado ka hor arrinkan shir jaraa’id shaaca kaga qaaday.
Maxamad Xasan Akhund ayaa loo magacaabay hoggaamiyaha dowladda cusub.
Cabdul Ghani Baradar ayaa noqon doona hoggamiye ku xigeenka halka Sirajuddin Haqqani loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha.
Amiir Khan Muttaqi ayaa asna loo magacaanay wasiirka arrimaha dibadda ee Afghanistan.
Mullah Maxamad Yacquub ayaa loo magacaabay wasiirka gaashandhigga ee Afghanistan.
Maamulka cusub ee Taalibaan ayaa kusoo aadaya iyadoo saddex toddobaad ka hor ay xoogaaga kooxdaan la wareegeen dalka Afghanistan.