6 ka mid ah ciidamada ammaanka ee dalka oo loo haysto inay ka dambeeyeen dil ismaamulka Embu loogu gaystay labo wiil oo walaalo ahaa ayaa garsooraha maxkamadda Milimani ka codsaday inay damiin ku siidayso.
Waxay horay iskaga fogeyeen eedeynta loo jeediyay iyagoo sheegay in wiilasha ay iska tureen baabuur si xowli ah u socday kadib markii la qabtay maadaama aynan u hoggaansamin amarka bandowga ee habeenkii.
Qareenka matalaya eedeysanayaasha Danstan Omari ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay codsiga dammaanadda ee ay gudbiyeen.