Madaxa cadaaladda dalka Martha Koome ayaa xarunta maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee magaalada Nairobi ku dhaarisay 5 sarkaal oo ku biiray guddiga adeegga macallimiinta ee TSC.
Saraakiisha sar sare ee ku dhaartay inay TSC ugu adeegi doonaan si waafaqsan xeerarka wadanka ayaa kala ah Dr. Nicodemus Anyang, Ms Christine Kahindi, Ms Sharon Kisire, Ms Annceta Wafukho iyo Mr. Salesa Abudo.
Mrs. Koome ayaa mas’uuliyiintan ku boorrisay inay xaqiijiyaan in dhinacyada kala duwan ee daneeya waxbarashada laga qayb geliyo hannaanka tacliinta.
Waxay kula talisay in fursadda ay heleen ay u adeegsadaan in wax badan laga beddelo daryeelka macallimiinta wadanka maadaama dhanka dhaqaalaha lagu jiro xilli adag .
Saraakiishan ayaa buuxinaya jagooyinkii ay banneeyeen Mbarak Twahir, Kinoti Imanyara, Beatrice Adu, Albert Ekirapa iyo Tache Gollo oo uu muddo xileedkoodu dhammaaday bishii saddexaad ee sanadkan.