In ka badan 40 guri ah oo lagu gubay ismamaulka Laikipia

0
432

150 qof oo ku nool dowlad deegaanka Laikipia ayaa hoyi la’aan noqday ka dib markii dad aan la garaneyn haybtooda ay dab qabad siiyeen in ka badan 40 guri.
Deeegaannada hoostaga ismaamulka Laikipa ayaa la arkayay iyada oo ay dad badani ka qaxayaan taas oo sababtay amni darrada ka jirta dowlad deegaankaasi
Dhawaan ayay ahayd markii dad la dilay halka guriyo badana la gubay.
Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho sheegay in dowladda ay wax ka beddeleyso qaabkii ay u wajahi laahayd amni darrada ka jirta qaybo ka mid ah dalka gaar ahaana Laikipia.
Waxaa uuna sheegay in dilalka ka dhacayaa dowlad deegaanka Laikipia aysan dowladda u dulqaadan doonin islamarkaana ay tallaabo adag qaadi doonto.
Iskudhacyo ku soo noqnoqday ee Laikipia islamarkaana uu u dhexeeyo xoolo dhaqatada iyo beeralayda ayaa sababay dhimasho , dhaawac iyo gubida guriyo aad u tiro badan taas oo keentay in dad badani barakacaan sido kalena hoy la’aan noqdaan.