Kenya oo heshay 141,600 oo ah tallaalka COVID19

0
490

Waxaa xalay wadanka la soo gaarsiiyay 141,600 oo ah daawooyinka tallaalka ee cudurka COVID19 gaar ahaan nooca loo yaqaano Johnson & Johnson.
Waxaa daawooyinka gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA , magaalada Nairobi kula wareegay mas’uuliyiinta wasaaradda caafimaadka oo ay hor kacaysa xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Mercy Mwangangi.
Waxaa ay sheegtay in taageeradan dheeraadka ee dhanka caafimaadka ay u horseedi doonto in cudur sidaha Covid19 laga tallaalo ilaa 10 milyan oo ah dadka waawayn ugu dambeyn dhammaadka bisha 12-aad ee sanadkan.
Dr. Mercy ayaa intaa ku dartay in tallaalka la filayaa inuu noqdo mid waxtar weyn leh gaar ahaan dhanka heerka daryeelka caafimaadka aasaasiga ah..
Waxaa ay xustay in qaadashada tallaalku ay weli hooseyso.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda 2,809,389 qof ay qaateen daawooyinka tallaalka ee ka dhanka ah cudurka COVID19.
809,380 qof oo tiradan ka mid ah ayaa markii labaad la siiyay tallaalka.
Waxaa ay tani kusoo aadeysa iyadoo wasaaradda caafimaadka ee dalka ay rajo ka muujisay in saddexda toddobaad ee soo socdo ay hoos u sii dhacaan xaaladaha maalinlaha ee cudurka COVID19.
Waxay wasaaraddu sheegtay in kiisaska cudurka ay yaradeen isbuucyadii la soo dhaafay maadaama ay korortay tirada dadka ee qaadanaya daawooyinka tallaalka.