Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Yoshihide Suga, ayaa ku dhawaaqay in uusan ka qaybgeli doonin tartanka loogu jiro hoggaanka xisbiga haya talada ee dalkaaasi Liberal Democratic Party.
Waxaa uu tilmaamay inuu wakhti xaadirkan dadaalkiisa ugu badan uu ku bixinayo dagaalka ka dhanka ah halista cudur sidaha Covid19 oo fara ba’an ku haya dalkaasi Japan.
Xoghayaha guud ee xisbiga haya talada Japan ee losoo gaabiyo LDP Mr.Toshi-hiro Nikai oo warbaahinta la hadlay ayaa dhankiisa xaqiijiyay warkan.
Waxaa uu sheegay in lama filaan ay ku noqotay markii uu maqlay go’aanka uu qaatay ra’iisul wasaaraha.
COVID19 ayaa gudaha wadankaasi ku galaaftay nolosha in ka badan 16,000 oo qof sidoo kalena hoos u dhigay dhaqaalaha dalkaasi.
Go’aanka cusub ee Yoshihide Suga ayaa ku soo aadaya iyada oo 29-ka bishaan loo ballansan yahay shir waynaha guud ee xisbiga hoggaamiya dalkaasi, halkaas oo lagu wado in lagu soo doorto hoggaanka cusub ee xisbigu yeelanayo ka hor doorasha guud ee loo asteeyay inay dhacdo bisha 11-aad ee sanadkan.
Mr.Suga oo 72 jir ah ayaa qabtay xilka ra’iisul wasaaraha Japan bishi 9-aad ee sanadkii hore ka dib marki uu iscasilay Shinzo Abe oo xilligaasi ay la soo daristay halis caafimaad.