Gaari laga soo xaday Nairobi oo lagu qabtay gudaha Soomaaliya

0
957

Ciidanka difaaca ee dalka ee Kdf-ta ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee ku sugan degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Gaari nooca xamuulka qaado ah oo laga xaday Magaaladatan Nairobi.
Gaariga oo ay Nairobi kasoo xadeen burcad ayaa dib loogu wareejiyay Milkii lahaa, isla markaana waxaa dib loogu soo celiyay Caasimadda dalka ee Nairobi oo markii horey laga soo xaday, iyadoo lagu isticmaalayay gaariga xuduudka labada dal.
Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay inay si wadajir ah qabashada gaariga ugu shaqeeyeen Ciidanka Kenya iyo kuwa Soomaalida ah ee sugan Dhoobley, sidaasina lagu qabtay.
“Ciidamada KDF ee sidda wadajirka ah ula shaqeynaya ciidamada amaanka ee Soomaaliya isla markiiba waxay ku dhaqaaqeen cil waxayna xireen dhamaan jidadkii looga bixi lahaa magaalada gudaheeda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska ciidamadda Kenya.
Paul Kyullu oo ah Milkiilaha gaariga xamuulka ee lasoo xaday ayaa waxaa uu u mahadceliyay Ciidanka Kenya ee gaarigaas qabtay, wuxuuna mucjiso ku tilmaamay tallaabadii gaariga looga xaday.