Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC ayaa gudbiyay dacwad uu kaga soo horjeedo go’aan horay uga soo baxay maxkamadda Supreme Court.
Go’aankan ayay garsoorayaasha ku dhawaaqeen 30-kii bishii siddeedaad ee sanadkan wuxuuna qeexayay tirada IEBC looga baahan yahay si ay u qaadato go’aamo masiiri ah.
Maxkamadda ayaa kooramka lagama maarmaanka ee guddiga ku sheegtay 4 xubnood.
Hasa ahaate IEBC ayaa arrinkan dood ka soo saartay.
Guddiga ayaa sidoo kale dalbanaya in maxkamadda ugu sarreysa dalka uu faahfaahiyo waajibaadka dastuuriga ee la xiriira jaangoynta xuduudda deegaan baarlamaneedyada wadanka.