COVID19 oo murugo ku beeray kala bar dhallinyarada

0
441

Darasaad cusub oo ay iska kaashadeen qaybta madaxtooyada wadanka u qaabilsan istaraatiijiyadda ee (PASU) iyo hay’adda bixisa adeegyada dadweynaha dalka ee PS ayaa lagu ogaaday in cudurka COVID19 uu murugo ku sababay kala bar dadka qaangaarka ah.
Waxaa tani loo aaneeyay caqabadaha uu cudurku horseeday ee ay wajahayaan waalidiinta ama dadka mas’uulka ka ah dhallinyaradan.
Qaar ka mid ah waalidiinta ayaa waayay shaqooyinkii ay hayeen iyo ganacsiyadii ay noloshoodu ku tiirsanayd tani oo adkeysay taageeridda qoysaskooda.
Darasaadka waxaa ku xusan in boqolkiiba 75% ee dadka qaangaarka ah aynan saddex mar cunno helin maalinkii xaaladda dhaqaale awgeed.
Dhallinyarada qaar ayaa waxaa soo foodsaaray xanuuno saameeyay dhimirkooda.
Gudaha Kenya waxaa la qiyaasaa in mid ka mid ah 10-kii qof uu qabo cillad maskaxeed.