5 xubnood oo ka mid noqonaya TSC oo la ansaxiyay

0
419

Xildhibaanada baarlamaanka dalka ayaa ansaxiyay magacyada 5 sarkaal oo loo soo xushay inay ku biiraan guddiga adeegga macallimiinta ee TSC.
12- kii bishii hore ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta soo magacaabay shakhsiyaadkan oo lagu wado in la dhaariyo.
Waxay kala yihiin Dr. Nicodemus Ojuma Anyang, Christine K. Kahindi, Sharon Jelagat Kisire, Annceta G. Wafukho iyo Salesa Adano Abudo.
Madaxweynaha ayaa magacaabay ka dib markii uu warbixin ka helay guddi gaar ah oo loo xilsaaray inuu buuxiyo jagooyin ka bannaan guddiga TSC isagoo u sii gudbiyay baarlamaanka oo ugu dambeyn shalay meel mariyay magacyada saraakiishan.
Xeerka guddiga adeegga barayaasha dalka ee TSC ayaa dhigaya in baarlamaanka uu haysto muddo 21 cisho ah oo uu ku ansaxinaya ama dhinac iskaga dhigaya magacyada loo soo gudbiyo ee saraakiisha la soo magacaabay.