Madaxweyne Uhuru kenyaatta oo waraaqadaha aqoonsiga ka guudoomay wakiilo ka kala yimid dalal kala duwan

0
602

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa Arbacada maanta ah qasriga Madaxtooyada Nairobi kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga sagaal Wakiil oo sarsare iyo safiirro oo dhawaan loo soo diray dalkani Kenya.
Wakiilada uu madaxweynaha Kenya waraaqadaha ka gudoomay waxaa ay kala yihiin Yusuf Yunusa oo ka socda dalka (Nigeria), Damptey Bediako Asare (Ghana), iyo William McDonald (Barbados) waxaa ayna dhamaantooda waraaqihii diblomaasiyadeed u gudbiyeen Madaxa qaranka ee dalka.
Danjirayaasha kale ee uu Mr Kenyaatta waraaqadaha aqoonsiga ka gudoomay waxaa ay kala yihiin Khalid Abdullah A. Alsalman waxaa uu ka socda (Sacuudi Carabia), Peter Maddens (Belgium), Katarina Zuffa Leligdonova (Slovakia), Henriette Geiger (Midowga Yurub), Pirkka Tapiola (Finland), iyo Gunner Andreas Holm (Norway).
Madaxweyne Uhuru kenyaatta oo ka hadlayay munaasabadda lagu soo dhawaynayay danjirayaashaasi waxaa uu u xaqiijiyay inay taagero xoogan ka heli doonaan dowladiisa.
Waxaa ayna dhankooda balanqaadeen inay xoojin doonan xiriirka ay dalalka ka soo jeedaan Kenya la leeyahay.