Doorashada Liibiya oo dib u dhici karto

0
589

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Liibiya ayaa sheegtay inay suurtagal tahay in bisha 12-aad ee sanadkan aynan qabsoomin doorashada guud ee wadankaasi oo la qorsheeyay inay xilligaasi dhacdo.
Waxaa tani loo aaneeyay in baarlamaanka wadankaasi uunan ansaxin xeer la xiriira doorashooyinka.
Waxaa horay lagu waday in doorashadu ay dhacdo 24-kii Diseembar.