Wakiillada golayaasha hoose ee 10 ismaamul oo ku yaala gobolka bartamaha dalka ayaa waxay madaxweynaha dalka u xaqiijiyeen inay meelmarin doonaan geddisocodka sharci beddelka ee warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Ismaamulladan ayaa kala ah Meru, Tharaka Nithi, Kirinyaga, Nyeri, Murang’a, Nyandarua, Kiambu, Laikipia iyo wakiillada golaha hoose ee Nakuru.
Madaxweynaha dalka ayaa kulan kula qaatay Sagana oo ka tirsan ismaamulka Nyeri 550 wakiil deegaano iyo madax kale.
Waxaa ay madaxweynaha dalka u sheegeen in ay taageersanyihiin hanaanka sharci beddelka ee BBI islamarkaana barnaamijkan ay ayaga dani ugu jirto.
Madaxweyne Kenyatta ayaa uga mahadceliyey sharci dejiyeyaasha golaha hoose ee ismaamulladan ballanqaadka ay ku ansixiyeen doonaan hanaanka BBI isagoo sheegay in dib u habeynta lagu sameynayo dalka ay xoojineyso hormarka dalka iyo isbaddelka dhanka dhaqaalaha.
Waxaa u su’aal galiyay ujeedka kuwa diidan in si siman wax loogu qaybsado hantida qaranka.
Waxaa uuna shacabka Kenyaanka uga digay siyaasadda khiyaanada ah ee hoggaamiyaasha qaar dalka ka wadaan.
Madaxweynaha dalka ayaa socdaal afar cisho ah ku joogi doono ismaamulka Nyeri.