Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in maanta madaxweyne Uhuru Kenyatta la soo gaarsiiyay warqad uga timid Dr. Dabar Cabdi Macallin iyo Mrs. Rose Mghoi Macharia oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee guddiga EACC oo is casilay.
Waxaa qoraalka qayb ka ah in hoggaamiyaha dalka uu aqbalay codsiga saraakiishan ee ah inay xilli hore soo afjaraan ka mid ahaanshaha guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC.
Hasa ahaate wax faahfaahin ah lagama bixin sababta ay isku casileen saraakiishan.
Dr. Dabar iyo Mrs. Rose Mghoi ayaa ku biiray EACC sanadkii 2015-kii waxayna codsadeen inay xafiiska banneyaan ka hor inta uunan dhammaan muddo xileedkooda.
Xeerka lagu maamulo guddiga EACC ayaa dhigaya in guddoomiyaha iyo saraakiisha sar sare ee la soo magacaabo ay xilalka haynayaan hal xilli oo 6 sano ah oo aan mar kale la soo magacaabi karin.