Wasaarado iyo hay’do isugu jira heer Federaal iyo heer maamul goboleed oo wadashaqeyn la leh hay’adda cunnada aduunka ee WFP ayaa ansixiyay qorshe howleedka ay hay’addu dalka Soomaaliya uga shaqaynayso shanta sano ee soo socota.
Wasaaradda Qorsheynta qaranka, hormarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga ee dowladda Soomaaliya ayaa kulankan soo agaasintay waxaana looga dooday sida la isku waafajin karo qorshaha hormarinta qaranka iyo istiraatiijiyadda ay hay’adda cunnada adduunku uga howlgalayso dalka Soomaaliya shanta sano ee soo socota.
Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimadda ansixinta qorshahan.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Kulan lagu ansixinayay qorshaha shaqo ee WFP xafiiskeeda Soomaaliya oo la soo...