Agabka bukaanka ka caawiyo neef qaadashada oo laga hirgeliyay Wajeer

0
449

Waaxda caafimaadka ee ismaamulka Wajeer oo kaashanaysa ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta ayaa xarunta isbitaalka guud ee dowlad deegaankaasi ka hirgelisay agabka oksijiinka ee bukaannada ka caawiyo neef qaadashada.
Waxaa sidoo kale halkaasi la geeyay qalab kaalin wayn ka qaadan doono in adeegga korontada uu noqdo mid joogto ah.
Dowladda hoose ee ismaamulka Wajeer ayaa sheegtay in hadda ka dib ay si toos ah u shaqeyn doonaan mashiinnada sida raajatada ama X-rayga oo uu horay isticmaalkoodu hakad ku jiray korontada oo aan la isku haleyn karin awgeed.
Agabka laga hirgeliyay isbitaalka wayn ee Wajeer ayaa halkii saac waxaa uu buuxinayaa 10 ah haamaha oksijiinka waxaana uu kaafinayaa guud ahaan dowlad deegaankaasi.