Maraykanka oo bartilmaameedsaday ISIS

0
442

Ciidamada militariga ee Mareykanka ayaa lagu soo warramayaa inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku duqeyeen qof naftii haliga ah oo doonayay inuu weerar ismiidaamin ah ka gaysto garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul ee wadanka Afghanistan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo weerar laga gaystay waqooyiga galbeed ee garoonka uu ku dhintay hal qof oo canug yar ah.
Maraykanka ayaa ku howlan geeddisocodkii ugu dambeeyay ee uu ka sameynayo Kabul ka hor berri, oo ah wakhtiga kama dambeyska ee uu 20 sano ka dib ciidamadiisa kala baxayo dalka Afghanistan.