Maamulka caafimaadka ee gobolka New South Wales ee dalka Australia oo ay ku nool yihiin shacabka ugu tirada badan wadankaasi ayaa maanta diiwaangeliyay xaaladaha cusub ee cudurka COVID-19 oo gaaraya 1,218.
Tiradan ayaa maalin ka hor ahayd 1,035 sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi.
Sidoo kale waxaa faraca cudurka ee Delta u dhintay 6 qof oo dheeraad ah.
Bartamihii bishii lixaad ee sanadkan ayay ahayd markii Delta Variant laga xaqiijiyay gobolka New South Wales ee Australia.
Waxaa hadda caabuqa corona la xanuunsan oo isbitaallada ku jiro
813 bukaan oo 126 ka mid ah lagu daryeelaya qaybaha degdegga ee ICU-da.