Dowladda oo ka digtay in la billaabo dugsiyo aan diiwaan gashanayn

0
531

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa soo saartay digniin ku aaddan in la aasaaso dugsiyo aynan dowladdu diiwaangelin.
Xoghayaha joogtada ah ee waaxda waxbarashada aasaasiga Dr. Julius Jwan ayaa sheegay in dugsi kasto oo shaqeynaya oo aynan wasaaraddu ansaxin albaabada la isugu dhufan doono.
Dr. Jwan ayaa xusay in kastoo la soo dhaweynaya qorsho kasta oo lagu billaabaya xarun waxbarasho haddana ay khasab tahay in goobtaasi la diiwaangeliyo.
Waxaa uu ku celceliyay inay lagama maarmaan tahay in dugsi kasta lagu sameeyo kormeer dhinacyo badan ah si loo xaqiijiyo badqabka ardayda iyo tayada tacliinta ay helayaan.
Mas’uulkan ayaa digniintan jeediyay xilli uu ku sugnaa ismaamulka Narok.
Waxaa uu intaa ku daray inay sii soconayaan howlgallada lagu hubinayo in dhammaan ardaydii dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ay ku biiraan dugsiyada sare ee wadanka.