Taalibaan oo sheegtay in ugu yaraan 72 qof ay ku dhinteen Kabul

0
564

Kooxda Taalibaan ayaa tirada shacabka ee ku dhintay labo qarax oo ka dhacay bannaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul caasimadda dalka Afghanistan ku sheegtay in ka badan 72 qof.
Qaraxyadan oo dhacay galinkii dambe ee shalay ayaa waxaa dadka ku nafwaayay ka mid ah ugu yaraan 13 sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Maraykanka.
Khasaaraha soo gaaray Maraykanka ayaa lagu sheegay midkii ugu way na ee dhaco hal maalin gudaheed tan iyo weerarkii bishii sideedaad ee sanadkii 2011-kii oo lagu qaaday diyaaradii Chinook oo ay ku dhinteen 30 sarkaal.
Waxaa mas’uuliyadda qaraxyada ka dhacay magaalada Kabul sheegatay kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS.
Dhawaan ayay ahayd markii dowladaha Maraykanka, Ingiriiska iyo Australia ay soo saareen digniin ku aaddan inay jirto halis sare oo dhanka amniga ah maadaama laga cabsi qabay inay weerarro dhacaan.