Hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa maanta tagay xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
Tani ayaa timid ka dib markii siyaasigan lagu amray inuu isa soo xaadiriyo.
Waxaa Kalonzo wehelinayay qareenadiisa oo ay ka mid yihiin senatarka ismaamulka Siaya James Orengo, dhigiisa Makueni Mutula Kilonzo Junior iyo shacri yaqaano kale.
Mas’uuliyiintan ayaa la filayaa inay warbaahinta la hadlaan galinka dambe ee maanta si ay faahfaahin uga bixiyaan sababta ay halkaasi u tageen.
Bishii koowaad ee sanadkan ayay ahayd markii saraakiisha waaxda dambi baarista ay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Kalonzo Musyoka su’aallo ka weydiiyeen eedeymo oo jeediyay oo ahaa inuu qaab boob ah ku qaatay dhul ku yaalla deegaanka Yatta ee ismaamulka Machakos.