Waaxda dacwad soo oogidda dalka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay war la sheegay in laga soo xigtay agaasimaha waaxdaasi Nuurdiin Xaaji.
Qoraalka la iska beeniyay ayaa muujinaya in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu saxiixay lacagihii loo adeegsaday dhismaha biyo xireenada Arror iyo Kimwarer ee gobolka Rift Valley.
Mashruucan ayaa horay dood u abuuray ka dib markii ay fadeexad ka dhalatay.
Hasa ahaate waaxda uu hoggaamiyo Nuurdiin Xaaji ayaa si cad u sheegtay in lagu been abuurtay oo aynan qoraalkaasi soo saarin.