Waxaa maanta xilkiisa loo dhaarinayaa madaxweynaha dhawaan la doortay ee dalka Zambia Hakainde Hichilema.
Mas’uulkan ayaa noqonaya hoggaamiyihii toddobaad ee wadankaasi.
Hichilema ayaa ku soo baxay doorashadii Zambia ka dhacday 12-kii bishan siddeedaad ka dib markii uu ka guulaystay madaxweynaha xilka wareejinaya Edgar Lungu oo dalkaasi hoggaaminayay tan iyo sanadkii 2015.
Xafladda caleema-saarka ayaa lagu qabanayaa garoonka Heroes Stadium ee magaalada Lusaka iyadoo si wayn loo raacayo tallaabooyinka lagu xakamaynayo faafidda cudurka COVID19.
Zambia ayaa looga dhawaaqay in maanta ay tahay fasax qaran si shacabka ay fursad ugu helaan ka qaybgalka ama la socodka xafladda dhaarinta madaxweynaha cusub ee dalkaasi.
Qaar ka mid ah hoggaamiyaashii hore ee wadamada Botswana, Tanzania , Nigeria iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ayaa ka qayb galaya dhaarashada Hichilema.