Ruto oo ka hadlay caymiska caafimaad ee NHIF

0
676

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo soo jeediyay in dib loogu laabto dhaqangelinta qorshihii horumarineed ee maamulka Jubilee maadaama laga gudbay arrimaha BBI ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la wanaajiyo caymiska caafimaad ee NHIF.
Waxaa uu sheegay inuu jiro wada hadal uu la yeelanaya xeer dejiyaasha dalka si loo dardargeliyo isbeddel lagu sameynayo xeerka caymiska ee NHIF.
Ruto ayaa tilmaamay in tani looga gol-leeyahay in laga dhabeeyo barnaamijka caafimaadka guud ee dalka.
Waxaa uu sidoo kale soo hadal qaaday in la dedejinayo fulinta mashaariicda dhanka wax soo saarka beeraha, guriyeynta iyo shaqo u abuuridda dhallinyarada.