Midowga Yurub oo aan aqoonsan kooxda Taalibaan

0
1035

Midowga Yurub ee EU-da ayaa sheegay inuusan kooxda Taalibaan u aqoonsan maamul hoggaamin karo dalka Afghanistan ka dib markii dagaalyahaanada ay wadankaasi kula waregeen howlgallo is-xigxigay.
Madaxa guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa sidoo kale beenisay inay jiraan wax wada-hadallo ah oo lala yeelanaya kooxdan.
Hadalkan ayay jeedisay ka dib markii ay gaartay xarun lagu soo dhaweynayo shaqaalihii EU-da uga shaqeynayay gudaha Afghanistan.
Dadkan oo laga daadgureeyay magaalada Kabul ayaa la geeyay magaalada Madrid ee dalka Spain.
Von der Leyen ayaa intaasi ku dartay inay howlaha gargaarka ku bixinayaan ilaa 67 milyan oo doolar.