Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa qirtay in Ciidamo ka tirsan kana soo jeeda dalka Uganda ay dad shacab ah ku dileen degaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose koonfurta dalka Soomaaliya, kadib weerar qorsheysan oo ay Ciidamadu la kulmeen.
War-saxaafadeed kasoo baxay howlgalka Midowga Africa ayaa lagu sheegay in AMISOM ay ka go’aan tahay baaritaanka kiiskaas, oo la soo geba-gabeyn doono lixda bisha September ee soo socota, ayna baaritaanka kala Shaqeyn doonaan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
War-Saxaafadeedka kasoo baxay AMISOM oo aad u dheera ayaa waxaa sidoo kale lagu yiri” Anagoo daba socona Bayaankii ay AMISOM soo saartay Ogosto 11, 2021, ee ku saabsanaa dhacdadii ka dhacday Golweyn, halkaas oo ay ciidamada AMISOM ku weerareen xubno ka tirsan Al -Shabaab iyagoo ku jiray roondo joogto ah, baaritaanno horudhac ah ayaa lagu ogaaday in toddobada qof ee la dilay aysan ka tirsanayn Al –Shabaab.
Sidoo kale AMISOM ayaa sheegtay inay baarayaan wararka sheegaya in ciidamadooda ay mas’uul ka ahaayeen dhimashada toddobadaas qof, isla markaana ay la kulmeen markii ay dhacdadu dhacday odayaasha, xubnaha, bulshada iyo saraakiisha dowladda, una caddeeyeen inaysan raali ka noqon doonin falal dambiyeedyada ka dhanka ah dadka rayidka ah ee ay askartooda geystaan, ayna u xaqiijiyeen inay ka go’an tahay inay gartaan oo ciqaabaan kuwa jebiya xeerarka hawlgelinta ee Caalamiga.
AMISOM waxay sheegtay in Si loo baaro dhacdadan halista ah lagana taliyo tallaabooyinka dabagalka ay sameeyeen Guddi Baaritaan oo ka kooban toddoba xubnood, kuwaasoo isla markiiba bilaabay shaqadooda Baaritaankan sharciga ah ay hoggaaminaya sarkaal sare iyo laba xubnood oo ka socda Guddiga Midowga Afrika ee Addis Ababa. Xubnaha kale waxaa ku jira sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya sida warka AMISOM lagu sheegay.
Hawlgalka AMISOM ayaa sidoo kale sheegay inay la shaqeynayaan Dowladda Federaalka iyo qoysaska ay dhibaatadu saameysay, si loo sameeyo baaritaan degdeg ah oo hufan, kuwaasoo la soo gabagabeyn doono 6 -da September, 2021, isla markaana Guddiga baarista ay dejin doonaan inta ay le’eg tahay mas’uuliyadda ciidamada AMISOM ee dhimashada dadkaas shcabka ah iyo sababta ay ku dhacday, sidoo kalena ay Guddigu ku talin doonaan in magdhaw la siiyo qoysaska ay dhibaatadu saameysey haddii ay dhacdo in askarta AMISOM lagu helo dambi ayna soo jeediyaan talooyin si looga fogaado inay soo laabtaan falalka noocaan ah.
Dowladda Uganda ayaa horay u xaqiijisay in haddii Guddigu caddeeyo dhacdadaan, ay Maxkamad la aadi doonaan kiiskaas si loo maxkamadeeyo kuwa ku lugta leh dilka dadka shacabka ah.
Ayadoo AMISOM ay si guud u sheegtay inay u qaadayso hab sharci ah eedeymahan halista ah si waafaqsan hab- dhaqanka ugu wanaagsan ee caalamiga ah, ayan ka go’an in sida ugu dhaqsaha badan in loola xisaabtamo cidkasta oo mas’uul ah una hoggaansanto dhammaan wixii ka soo baxa iyo taloobinka Baaritaanka.
Hadalka AMISOM ayaa imaanaya saacado uun kaddib markii ra’iisalwasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, uu sheegay in dhacdadaasi loo saaray guddi wasiirro ah oo maanta oo Axad ah kulamo la qaadan doono safiirka Uganda u fadhiya Soomaaliya iyo xubno ka tirsan ciidamada AMISOM.
Todobadkii hore ayaa waxaa Magaalada Muqdisho iyo qeybo kamid ah Gobolka Shabeellaha Hoose ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeedo dilkii Ciidamada AMISOM u gesteen dadka Shacabka ah, waxaana eheladooda ay sheegeen inaan meydadka la aasi doonin ilaa tallaabo laga qaado Ciidamadii ka dambeeyay falkaasi.