Waaxda NYS oo laga dalbaday inay bixiso lacagaha qandaraasleyda

0
682

Xildhibaanada baarlamaanka dalka ayaa dowladda dhexe ka dalbaday inay bixiso lacago ka maqan qandaraasley intii u dhexeysay 2013 ilaa 2018-kii adeegyo u fidiyay waaxda qaran ee adeegga dhallinyarada ee NYS.
Tani ayaa timid ka dib markii ganacsatadan ay cabasho u gudbiyeen golaha xeer dejinta.
Waxay sheegeen in kastoo madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta uu waaxyaha dowladda ku amray inay bixiyaan deymaha lagu yeeshay aan ilaa iyo hadda wax dhaqaale ah ka soo gaarin NYS oo ay qaab qandaraas ah agab kala duwan ugu wareejiyeen.
Ganacsatada ayaa baarlamaanka ku wargeliyay in guddi loo xilsaaray inuu arrimahan xaqiijiyo uu ansaxiyay inay jiraan lacago dowladda kaga maqan.
Mashaariicda ay qandaraasleyda cabanaya gacan ka gaysteen waxaa ka mid ah kuwo lagu wanaajinayay bilicda xaafadaha isku raranta ah , awood siinta dhallinyarada , haweenka iyo barnaamijyo kale .
Xildhibaanka bartamaha Kiambu Jude Njomo ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dowladdu aynan oofin ballanqaadkii ay u sameysay qandaraasleyda.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in guddiga maaliyadda iyo qorsheynta laga doonayo inuu dadaal dheeraad ah ku bixiyo sidii caqabaddan loo xallin lahaa.
Sidoo kale dhigiisa Kitui Makali Mulu ayaa xusay in aynan jirin sabab loo cuskan karo inaan ilaa iyo hadda la bixin deymaha.

Mudanaha deegaanka Kiminini Chris Wamalwa ayaa dhankiisa sheegay in waaxda qaran ee adeegga dhallinyarada ee NYS ay khasab ku tahay inay u hoggaansanto amarkii hoggaamiyaha wadanka.
Xildhibaabka Funyula Wilberforce Oundo waxaa uu carrabka ku dhuftay in kastoo dowladda dhexe ay horay ballanqaad u sameysay haddana inaan lagu tallaabsan horumar wax ku ool ah oo lagu bixinayo lacagaha aynan weli helin qandaraaslayaasha.
Bishii lixaad ee sanadkan ayay ahayd markii xubnaha guddiga baarlamaanka ee qoondeynta miisaaniyadda dhaqaale uu wasiirka wasaaradda maaliyadda Mr. Ukur Yatani ku amray inuu soo saaro qorsho dhameystiran oo lagu qancinaya cid kasta oo agab ku wareejisay dowladda oo aan ilaa iyo hadda la siin qarashaadkii ka baxay.
Xilli uu wasiir Yatani akhrinayay miisaaniyad sanadeedka 2021/2022-ka ayuu dhammaan wasaaradaha dowladda ku amray inay bixiyaan deymaha lagu leeyahay.
Macluumaadka dowladda ayaa muujinaya in bishii Sagalaad ee sanadkii hore, lacagaha aan la siin qandaraaslayaasha ay ahayeen 346.2 bilyan oo shilin iyadoo lacagtan ay bishii lixaad ee sanadkii hore ahayd 334.2 bilyan.
Deynta ugu badan oo ah 99 bilyan waxaa lagu leeyahay waaxda dowladda ee qaabilsan kaabayaasha horumarineed.