War qoral ah oo ka soo baxay ururka Al –qaacida ee ka daagalamo dalka Yemen ayaa waxaa ay ugu hambalyeeyeen ururka Taalibaan oo 20 sano kadib la wareegay gacan ku haynta caasimadda Kabul ee dalka Afghanistan.
Waxay sheegeen in guusha Taalibaan ay mujinayso in awoodda kooxaha jihaad doonka ah ay soo xoogaysanayso .
Kooxda Taalibaan oo ilaa sanadkii 2001-dii u daagalamaysay sidii ay ciidamada shisheeye meesha uga saari lahayd ayaa Axadii qabsatay magaalada Kabul ee caasimadda Afghanistan.
Tani ayaa timid kadib markii ciidamada reer galbeedka ee Maraykanku uu hoggaamiyo ay wadankaas ka baxeen iyadoo la raacayo heshiis ay Taaliban ku balanqaaday inaan saraakiishaasi la weerari doonin marka ay baxaan.