Dowladda oo soo saartay in ka badan 9 milyan oo ah kaararka Huduma

0
1338

Dowladda dhexe ee wadanka ayaa shaaca ka qaaday shalay in la soo saaray kaararka loo yaqaano Huduma Namba oo gaaraya 9,154,184 xabbo kuwaasoo loo diray dadkii lahaa.
Afhayeenka dowladda dhexe Cyrus Oguna ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in 6,003,144 ka mid ah kaararka la soo saaray ay qaateen dadkii isku diiwaangeliyay.
Oguna ayaa shacabka kenyaanka ah ee helay farriimaha ogeysiiska balse aan weli qaadan kaararkooda ku boorriyay inay sida ugu dhaqsaha badan u qaataan.
Afhayeenka dowladda ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaalka lagu soo saaraya karaarkaan ayna bogaadinayso in tirada kaararka la qaatay ay sii kordhayso sidoo kalena loo baahan yahay in lagu boorriyo dadka gaar ahaan kuwa horey u helay farriimaha ogeysiiska, inay la waregaan kaararkooda.
Mas’uulkan ayaa dhanka kale xusay in dhawaan la billaabi doono wajiga labaad ee diiwaangelinta kaararka Huduma Namba.
Dadka aan weli helin farriimaha ogeysiiska, waxaa loo sheegay inay hadda ka dib la socon karaan marxaladda kaarkooda iyagoo ku baaraya lifaaqa ah https://confirmation.hudumanamba.go.ke.
Waxaa qofka laga doonayaa inuu adeegsado nambarka kaarkiisa aqoonsiga qaran sida laga soo xigtay afhayeenka dowladda dhexe.
Ugu danbayntii afhayeenka dowladda ayaa dadweynaha ku wargaliyay in qorshaha diiwaangalinta wajiga labaad ee kaararka Huduma uu hadda meel wanaagsan maraya sidoo kalena taariikhda la billaabayo dhawaan la shaacin doono maadaama ay marxaladdani fursad siin doonto dadka aan is -diiwaangelin intii lagu guda jiray wajiga koobaad ee is-diiwaangalinta.