Taliyaha booliska oo sheegay in saraakiishii ku lug lahaa wiilal Embu lagu dilay shaqada laga joojiyay

0
503

Xubno ka mid ah saraakiisha ciidamada booliiska dalka oo lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen dilka laba wiil oo walaalo ah loogu gaystay dowlad deegaanka Embu ee gobolka bartamaha dalka ayaa shaqada laga joojiyay, sida uu xaqiijiyay Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska dalka Hillary Mutyambai.
Taliyuhu wuxuu sheegay in ka joojinta waajibaadkii ay qaranka u hayeen loo cuskaday sidii loogu gogol xaari lahaa loona sii anba qaadi lahaa baaritaannada la xiriira dhacdada lagu dilay Inamada walalaha ah iyo in dacwad lagu soo oogo haddii lagu helo dambiga ay hadda ku eedaysan yihiin.
Mr. Mutyambai ayaa arrimahaan ka hadlay xili uu bartiisa Twitterka uga jawaabayay waydiimo ka yimid bulshada Kenyanka ah oo ku saabsan Xaaladaha ammaanka ee wadanka.
Taliyaha guud ee ciidanka booliska wuxuu balan qaaday inay awoodda isugu gayn doonaan sidii ay caddaalad u heli lahaayeen labada wiil ee walaalaha ah oo maydadkooda la helay ayadoo markii hore la ogaa inay gacanta ciidamada ammaanka ku jireen.
Waxaa uu intaasi raaciyay in dhammaan arimahaan lagu guulaysan karo oo kaliya haddii loo hogaansamo hannaanka habboon ee lagu Heli Karo caddeymo wax ku ool ah oo eedaysaneyaasha maxkamadda lagu soo hor taagi karo.
Taliyaha oo xiligaasi tacsi u diraya qoyska labada wiil ee walaalaha ahaa ayaa intaas ku daray in maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku samaysa howlaha ciidamada booliiska dalka (IPOA) uu soo gabagabeyay baaritaanno arrintaan ku saabsan oo muddooyinkii ugu danbeeyay uu ku howlanaa sidoo kale galka barista ee ku saabsan dhacdadaan lagu soo wareejiyay agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka si loo qaado tallaabada xigta.
Waxaa uu abaanduulaha booliska dalka tilmaamay in sharciga la hor keeni doono cid kasta oo dilka ka dambeysay.
Labada wiil ee walaalaha ah oo magacaydooda lagu kala sheegay Benson Njiru iyo Emmanuel Mutura ayaa ahaa labo arday oo wax ka baranayay Machadka Farsamada gacanta ee Don Bosco iyo Jaamacadda Moi Kabarak.
Wiilasha ayaa waxaa labo toddobaad ka hor xiray ciidamada ammaanka kadib markii lagu eedeeyay inay ku xadgudbeen sharciyada u degsan Xakamaynta faafitaanka Cudurka Covid-19.
Intaasi ka dib ayaa waxaa meydadka wiilashan laga helay isbitaalka Heerka Shanaad ee Embu gaar ahaan qolka maydadka la dhigo.
Markii la aasayay maydadka labadaan Wiil ee Walaahaha ah Maalinkii Jimcada ee la soo dhaafay ayaa waxay Xubanaha Qoyskooda iyo Mas’uuliyiintii kale ee aaska ka qaybgalay dowladda ka dalbadeen in cid kasta oo ka danbaysay dilkooda Caddaalada la Hor keeno oo lagula Xisaabtamo danbiga ay gaysatay.