Hoggaamiyaasha xisbiyada siyaasadeed ee kala ah Musalia Mudavadi (ANC) , Kalonzo Musyoka(Wiper), Gideon Moi(KANU) iyo Moses Wetangula ee (Ford-Kenya) ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Waxay dhawaan ku midoobeen dallad ay ugu magacdareen OKA oo loola jeedo One Kenya Alliance ama Kenya hal ah.
Mas’uuliyiintan ayaa ka arrinsanaya mustaqbalkooda siyaasadeed ee sanadka 2022-ka.
Waxaa la filayaa inay ku heshiiyaan cidda xilliga doorashada guud ee sanadka soo socdo ku matali doonto loolanka madaxtinimo.
Sidoo kale waxaa uu qorshuhu yahay in labada cisho ee nagu soo aaddan ay mas’uuliyiintan ku biiraan xubnaha guddi loo xilsaaray inuu iskuduba rido siyaasadda OKA.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu madaxdan ku dhaliilay inay is-beheysteen keliya si ay isaga uga adkaadaan oo aynan wax qorsho horumarineed ah u hayn dadweynaha.
Ruto ayaa tilmaamay in xita iyadoo kulamo la yeelanaya , garabka mucaaradka ee dalk laga doonayo inuu shaaca ka qaado ajeendihiisa horumarineed.