Machadka Lowy oo ku yaalla magaalada Sydney ee dalka Australia ayaa sameeyay darasaad ku saabsan sida 100 wadan oo ka mid ah kuwa caalamka ay uga falceliyeen cudurka COVID-19.
Marka la eego sida dalalka ay u xakameeyeen faafitaanka caabuqa corona waxaa liiskan ugu horreeya wadamada New Zealand, Vietnam iyo Taiwan .
Britain iyo Amerika ayaa liiskan qaybta hoose kaga jiro.
Machadka ayaa sheegay in warbixintu uunan ku soo bandhigin macluumaad ku saabsan Shiinaha oo uu ka soo billowday cudurka COVID-19 sanadkii 2019-kii maadaama aan xog badan laga helin.
Wadamada liiskan kaga jiro tobanka nambar ee ugu horreeya waxaa ka mid ah Thailand, Cyprus, Rwanda, Iceland, Australia, Latvia iyo Sri Lanka .
Warbixintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo xaaladaha caabuqa corona ee dunida laga diiwaangeliyay ay kor u dhaafeen 100 milyan halka ay cudurka u dhinteen ugu yaraan 2 milyan oo qof.
Maraykanka oo laga xaqiijiyay 25 milyan oo xaaladood waxaa uu liiskan kaga jiraa nambarka 94-aad halka Britain ay gashay nambarka 66-aad.