Guddoomiyaha ismaamulka Narok Samuel Ole Tunai ayaa dowladda Maraykanka ka codsaday inay ka laabato digniin dhanka safarrada ah oo ay dhawaan shaacisay.
Tunai ayaa sheegay in go’aankan uu saameyn ku yeelan karo waaxda dalxiiska oo uu horay culeys ugu keenay cudurka COVID19.
Guddoomiyaha ayaa xusay in tani ay imaanaysa xilli dalxiisayaal badan oo ka soo jeedo wadamada kale ee caalamka ay inta badan imaadaan Kenya.
Maraykanka ayaa digniinta uu soo saaray u aaneeyay in Kenya uu ku kordhay caabuqa corona.