Maraykanka oo soo jeediyay in ciidamada Eritrea ay ka baxaan Itoobiya

0
698

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in dhammaan ciidamada dalka Eritrea ee ku sugan gobolka waqooyi ee Tigray ee wadanka Itoobiya laga doonayo in ay halkaas isaga baxaan.
Amarkan ayaa la doonaya inay saraakiisha u dhaqangeliyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.
Waxay tani ku soo aadaysaa iyadoo dowladda Itoobiya ay beenisay inay jiraan ciidamo Eritrea ka joogo gobolkaas.
Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa bayaan ku sheegtay in ciidamado ay gaysanayaan xadgudubyo.