Taalibaan oo qabsatay magaaladii sagaalaad ee Afghanistan

0
376

Kooxda Taalibaan ayaa lagu soo warramayaa in shan cisho gudahood ay ku qabsatay magaaladii sagaalaad oo ah caasimad goboleed.
Magaalooyinkan ayay kooxda la wareegaysay tan iyo Jimcihii.
Taalibaan ayaa gacanta ku dhigtay maanta magaalada Faizabad ee gobolka Badakhshan.
Xildhibaan lagu magacaabo Zabihullah Attiq ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ciidamada ammaanku ay dib uga gurteen magaaladaasi ka dib iska horimaadyo xooggan oo maalmo socday.
Waxaa ay sidoo kale gacanta ku dhigeen galinkii dambe ee shalay magaalooyinka Farah iyo Pul-e-Khumri oo ku kala yaalla koonfurta galbeed iyo gobolka waqooyi ee Baghlan.
Shahla Abubar oo xubin ka ah golaha Farah ayaa warbaahinta u sheegay in kooxdu ay la wareegtay xafiiskii duqa magaladaasi iyo xaruntii dhexe ee ciidamada booliska.
Xildhibaan lagu magacaabo Cabdul Nasri Farahi ayaa isna laga soo xigtay in kooxdu ay sidoo kale qabsatay xabsiga bartamaha Farah.